Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka halday arrintan dooda badan dhalisay ee ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ee uu riixayo.
isagoo ka hadlayay khudbadii Jimcaha ee Masjidka Madaxtooyada ayuu ku caddeeyay inuusan Dastuurka KMG ah ku jiri karin ‘Looma dhama’ sida uu yiri, wuxuuna difaacay inuu Baarlamaanka leeyahay xaqa wax ka bedeka Dsatuurka.
“Iskama joogi karno meesha.. Looma dhama ma taagnaan karno, intii suuragal ah ee macquul ah oo wadatashi ah iyo wadahadal ah waa ok, laakiin Dastuurka sameyntiisa wax-ka-bedelkiisa waa caddahay Baarlamaanka Federaalka ayaa iska leh.., Waana soo gaari doonaa, waana ka doodi doonaa..” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu ku dooday inaysan suuragal ahayn in Dastuurka wax laga weydiiyo Dadka Soomaaliyeed ee gaaraya 20-ka milyan oo qof kasta la yiraahdo ‘maxay kula tahay’ balse loo marsiin doono Bulshada Rayidka iyo saxaafadda, sida uu yiri.
Xasan Sheekh ayaa olole ugu jira inuu nidaamka xukunka dalka isbedel ku sameeyo, isagoo u maraya Dastuurka, wuxuuna hore u caddeeyay inuu doonayo inuu dalka yeesho Madaxweyne toos loo soo doorto iyo ku xigeen, iyadoo xisbiyada lagu soo koobayo laba xisbi.
Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka horjeeda Maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta Mucaaradka oo sheegay inuusan awood u lahayn inuu bedelo nidaamka xukunka dalka.