Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo lagu tababarro Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed, haddana ay ku jirto dufcad cusub.
Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimadeenna iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsigan, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.
“Waxaan booqday ciidamadeena geesiyaasha ah oo tababarka kumaandooska uga socda magaalada Isparta ee dalka Turkiga oo ay naga caawineyso dowladda Turkiga. Waxaan la kulmay qaar ka mid ah mustaqbalka wanaagsan ee Saraakiisha Ciidamada & Hogaamiyaasha Soomaaliyeed. Waxaan uga mahadcelineynaa Turkiga kaalmadan qiimaha leh ee dhinaca amniga” ayuu yiri Xasan Sheekh
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan qado ah la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda.




