Saturday, March 22, 2025

Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo ku heshiiyay iskaashi dhinaca Amniga iyo..(War-murtiyeed)

Waxaa magaalada Jabuuti lagu soo gabagabeeyay wadahadal uu dhexdhexaadiye ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti oo dhex maray madaxweynayaasha Dowladda federalka iyo Somaliland.

Ad

Shirka ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo lagu go’aamiyay in dib loo bilaabo wadahadalkii labada dhinac, waxaana war-murtiyeedka ugu muhiimsan inay labada dhinac iska kaashadaan dhinaca Amniga iyo falal dembiyeedyada abaabulan.

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIEYEDKA

Warmurtiyeedka Shirka Djibouti ee wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland

- Advertisement -

Ayadoo laga ambaqaadayo dardargelinta Geeddi-socodka wadahadalada Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland ayaa waxaa shir socdey taariikhda u dhaxeysa 28-29 December 2023 isugu yimid dalka Djibouti laba wafdi oo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi isla markaana uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Wadahadal iyo dood dheer ka dib waxay labada dhinac isla gaadheen qodobada soo socda;

1. In dib loo bilaabo geeddi-socodka wadahadaladii u dhexeeyey labada dhinac, ayadoo diiradda lagu saarayo, saldhigna looga dhigayo arrimaha masiiriga ah si loo gaadho xal-waara.

2. In labada dhinac ay muddo 30 maalmood gudahood ah ay isla meeldhigaan hannaanka geeddi-socodka (Roadmap) wadahadalada arrimaha masiiriga ah isla markaana la soo magacaabo guddiyo farsamo oo arrimahaas fududeeya.

- Advertisement -

3. In labada dhinac ay si wadajir ah u fuliyaan heshiisyadii lagu gaadhay wadahadalii labada dhinac horay ugu dhexmaray; Ankara (April 2012), London (June 2012), Ankara (April 2013), Istanbul (July 2013), Istanbul (January 2014), Djibouti (December 2014), Istanbul (March 2015), Ankara (April 2016) iyo Djibouti (June 2020).

4. In garowshiyihii dawladihii Soomaaliya ay ka bixiyeen dilkii, gaboodfalladii, iyo burburkii dawladdii mileterigu ay ka geysatay Somaliland (gobollada Waqooyi) la sii adkeeyo ka garaabiddiisa.

5. In labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga, la dagaalanka faldambiyeedyada abaabulan ayadoo ay xiriir buuxa ka yeelanayaan arrimahaas hey’adaha u xilsaaran.

6. In goobaha iyo gobollada ay colaaduhu ka jiraan nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo, isla markaana la joojiyo ayadoo loo marayo dhaqankeenii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed.

7. In labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraaladda iyo wax kasta oo wax u dhimaya Jawiga wadahadalada ee socda.

8. Labadi wafdi ee ay kala hogaaminayaan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya waxay si mug iyo miisaan leh ugu mahadnaqayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dawladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabuuti martiqaadka, soo dhowaynta iyo daadihinta shirarka labada dhinac. Waxayna ku boorinayaan madaxweynaha inuu arrintaas sii ambaqaado.

ALLAA MAHAD LEH

Md. Axmed Macallin Fiqi
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya

Md. Maxamed Kaahin Axmed
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON