Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay xaaladda ka dhalatay Heshiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya la saxiixday Madaxweynaha Somaliland ee looga kireeyay dhulka iyo Badda Somaliya.
Isagoo ka hadlayey Salaadii Jimacaha kadib Masjidka Madaxtooyada ayuu sheegey in dhulka Soomaaliya aanan lagu bedelan karin dano gaaban, cid dhul bixin kartan ayan jirin.
Itoobiya ayuu sheegay inay marra badan isku dayday inay dhul iyo Bad ka qaadato Soomaaliya, balse ay kari weysay Soomaaliya oo aan xor ahayn, haddana aanay heli doonin, wuxuuna meesha ka saaray sheegadasha Abiy Ahmed ee ah inaysan Itoobiya horumar gaari karin Bad la’aan.
Wuxuu u mahad celiyay dowladaha taageeray Soomaaliya, wuxuuna u digay dowladaha ganbanaya inay Soomaaliya isku xumaan doonaan, balse aysan dhul siin karin Itoobiya.
“Xasan Sheekh ayaa la i yiraahdaa, Dhul kama gorgotamo, xukun kuma bedesho, kumana.. talada Alle nooguma dhiibo kuwa dhulka Soomaaliyeed ku gorgortama” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.