Friday, December 8, 2023

Xasan Sheekh: “Guusheenu maaha Nuur-Dugle ee waa in Alshabaab laga waayo Somaliya”

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku maray degaannada Masaajid Cali Guduud iyo Nuur Dugle ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo dhowan laga xoreeyay Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa labada degaan kula hadlay ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada degaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab, wuxuuna ku bogaadiyay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada ee guulaha kasoo hooyay dagaalka, iyo sidii kooxaha argagixisa dalka looga saari lahaa.

“Caddowga kaliya ee maanta dalkeennu leeyahay waa Alshabaab. Waa in aan waqti kooban ku gaarno deegaanada kale ee ay weli dadkeenna ku dhibaateeyaan. Guusheenu ma aha inaan Nuur-Dugle ka raacdeyno Alshabaab ee waa in Alshabaab laga waayo Soomaaliya oo dhan” ayuu yiri madaxweynaha.

Ad

Wuxuu amaanay Beesha Maxamed Muuse ee dega Nuur Dugle, isagoo sheegay in beelaha kale laga rabo inay sameeeaan wixii ay beeshaasi saameysay, wuxuuna shaaciyay in degaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab, si degdega loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah sida Saldhigga Booliska, xarumaha Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inay ahya markii ugu horeysay ee uu tago degaanka Nuur Dugle, isla markaana uu tegayo meel kasta oo dadka degan ay Shabaab iska xoreeyaan.

“Shabaab waa Tuug, waa Khaa’in waa Diinlaawe, waa Dad laawe.. kuwa waxaa jira ehele noo ah oo ficilladii Shabaabka leh wax uu yahay ma leh.. kuwa jidgooyada dhigta ee dadka masaafurka ah dhaca.. iyo kuwa fitnada ee dadka dila waa Shabaab kale…” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri degaanka Nuur Dugle.

- Advertisement -

Waxa Madaxweynaha kormeerka ku wehliya Madaxweynaha Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON