Xarunta cilmi-baarista iyo ka hortagga xargjirnimada ee Tubsan National Center oo hoostagta Ra’iisal wasaaraha Soomaliya ayaa bilowday howsheeda, kadib markii loo magacaabay agaasime iyo ku-xigeen.
Qoraal kasoo baxay Xarunta ayaa lagu shaaciyay Dowladda Federaalka ayaa sameysay numberro ay soo wici karaan xubnaha Alshabaab ee doonaya inay kasoo baxaan kooxdaasi.
Bayaan Xarunta cilmi-baarista iyo ka hortagga xag-jirnimada ee Tubsan National Center oo la sheegay inay fududeyn doonto xubnaha Alshabaab ka goosta. “Argagixisadu ma kala jecla inaad dhimato ama aad silic ku noolaato”. ayaa lagu yiri bayaanka
“Waxay kuugu yeerayaan inaad daadiso dhiigga shacabka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah ama uu kaagu daatoo, taas oo adduun iyo aakhiro beel ah. Balse dowladdu waxau had iyo jeer diyaar u tahay inay kaa caawiso sidii aad nolol iyo mustaqbal fiican u heli laheyd. Haddaba kasoo laabo la jirka iyo fikradaha argagixisada oo ka faa’iideyso fursadda cafiska ee dowladda Soomaaliya kuu fidisay” ayaa ku qornaa bayaanka kasoo baxay xarunta Tubsan.
Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in waaliddiinta carrurtoodu ay ka tiran yihiin Al-shabaab ay sidoo kale lasoo xiriiri karaan xarunta. Waxay Turbsan intaas raacisay in xogta la xiriirta xubnaha isi soo dhiibaya la dhowri doono.
