Xarunta Cilmiga Xiddigiska ee Caalamiga ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa shaacisay xillig ay ku beegan tahay dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1422 Hijriyadda iyo Miilaadiga 2021.
Xarunta ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan (Soonqaad) ay ku beegan tahay xiddigis ahaan maalinta Talaadda ah 13-ka April 2021 oo ay suuragal tahay in la arki doono bisha Ramadaan dhalashadeeda.
Sida xaruntani oo si weyn ula socota xaaladaha cilimada iyo dhaqdhaqaaqa Meerayaasha ay qabto waxaa inta badan dalalka Muslimka Bisha Ramadaan laga raadin doono Isniinta 12-ka April oo ku beegan 29-ka Shacbaan 1442 H, iyadoo bisha Shacbaan la arkay oo ay kow ahayd 15-kii Maarso 2021.
Dalalka Bisha Ramadaan laga raadinayo dhalashadeeda maqribka Isniinta (12 April 2021) ee habeenka Talaadada soo galeyso waxaa ka mida: Sacuudiga, Indonesia, Maleysia, Iran, Cummaan, Imaaraadka, Jordan, Syria, Libya, Algeria, Maroco, iyo dalal kale.
Dalalka Ciraaq, Masar, Turkiga iyo Tunisia ayey bisha Shacbaan kow u ahayd, una bilaabatay 14-kii Maarso 2021, iyagoo markaas bisha Ramadaan dalalkaasi laga raadin doono Maqribka Axadda ee 11-ka April 2021. laakiin dalalkan waxaa cilmi ahaan la sheegay inaysan arki karin Bisha oo aysan suuragal ahayn in la arko si kastaba, taasoo keeneysa inay buuxiyaan bisha Shacbaan 30.

Dhinaca kale Maqribnimada Isniinta ee 12-ka April ayaa la caddeeyay inaan bisha Ramadaan ee dhalaneysa lagu arki karin isha dadka, balse lagu arki karo oo kaliya aaladaha Telescope loo yaqaan oo weliba ay aad u adag tahay dalalka Sudan, Libiya, Aljeria, Maroco iyo Mauritania. Halka Dadku si aad u adag isha ugu arki karaan dalalka Qaaradda America.
Khilaafka dhalashada bisha Ramadaan iyo tan soonfur ama Ciidul fitriga ayaa sanad kasta dunida islaamka la isku khilaafaa, waxaana mararka qaarkood dhacda in ilaa saddex maalmood dalalku kala sooaan ama kala ciidaan.
Cilmiga xiddigista kuma sugnaato Bisha Shareeco ahaan oo waxaa la rabaa in la arko, laakiin wuuu xadeyn karaa suuragalnimada in bishii la arko karo inaysan macquul ahayn oo ay qorraxda la dhaceyso maalmaha la filayo inay bishu dhalato.
