Wednesday, May 21, 2025

Xarakada Islaax oo soo saaray talo soo jeedin ku saabsan Xaaladda Cudurka Covid-19 (Akhriso)

Xarakada Islaax ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal talosoo jeedin ah oo ku saabsan sida ay tahay in loo dhaqmo xilligan uu dalka ku fidayo cudurka Covid-19.

Hoos ka akhriso Qoraalka:

بســـــــــــم اللــــــــــــه الرحمــــــــــــــــــن الرحيــــــــــــــم

Ad

TALO SOO JEEDIN KOOBAN OO KU AADAN SIDA LOOLA DHAQMAYO COVID-19

Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa Xarako Islaami iyo wadaniba ah, kana shaqaysa islaaxinta bulshada iyo fidinta Diinta Islaamka. Iyadoo ka duulaysa waajibkeeda ah u nasteexaynta bulshada, gaar ahaan marka ay la soo daristo musiibooyinka waawayn, sida la dagaalan ka cudur ka Covid-19, oo noqday safmar calami ah. Dalkeennuna uu galay marxaladdii fiditaanka, bilaabatayna in loo geeriyoodo. 

Haddaba, Xarakada Islaax iyadoo ka duulaysa farriinta suubbanaheennu NNKH uu yiri:

- Advertisement -

(ﺍﻟﺪﻳﻦﺍﻟﻨﺼﻴﺤﺔ) ،ﻗﻠﻨﺎﻟﻤﻦﻳﺎﺭﺳﻮﻝﺍﻟﻠﻪ؟،ﻗﺎﻝ : ( ﻟﻠﻪﻭﻟﻜﺘﺎﺑﻪﻭﻟﺮﺳﻮﻟﻪﻭﻷﺋﻤﺔﺍﻟﻤﺴﻠﻤﻴﻦﻭﻋﺎﻣﺘﻬﻢ

Cudurkani wuxuu saamayn taban ku yeelanayaa guud ahaan nolosha, gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada, amniga iyo siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada I.W.M.

Haddaba waxa ay xarakadu u soo jeedinaysaa ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdooda talooyin kan soo socda ee ku aaddan qaybahaasi:

Caafimaadka iyo badbaadada Nafta

- Advertisement -
  1. In la raaco talooyin ka ay soo jeedinayaan dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka iyo guddiyada arrinkan loo xilsaaray.
  2. In la sameeyo sanduuq gurmad oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha kala duwan: sida shaqaalaha, ganacsatada iyo bulshada rayadka ah, si loogu taakuleeyo xarumaha lagu daaweeyo bukaanka cudur ka covid-19 una helaan qalaka loogu baahanyahay daryeelka bukaanka iyo badbaadada shaqaalaha caafimaadka IWM.
  3. Maadaama cudurkan Covid-19 uu gaaray xilligii bulshadu is qaadsiinaysay, waxaa habboon in la qaado tallaabooyin la jaanqaaadaya  culayska marxaladdan iyo awoodda xarumaha qalabaysan ee la heli karo. 

Talaabooyinka waxaa ka mid noqon kara:

  1. In xarumaha karantiinka shaqadoodu noqoto latacaalidda bukaanka xaaladda culus maraya ee u baahan daryeel caafimaad, gaar ahaan (sida marka neefsashadu ku cuslaato IWM)
  2. In qofka isku arka calaamadaha cudurka ama laga helo cudurka, laakiin xaaladdiisu ayna darnayn, inuu aqalkiisa ku koobnaado (isku karantiimo) oo mudada huuriska ku qaato aqalkiisa (Home Isolation) isagoo raacaya tallaabooyinka bedqabka iyo badbaadada dadka aqalka kula nool, hay`adaha caafimaadkuna kor kala socdaan. 

Wacyigelinta Bulshada iyo xoojinta  isku duubnidooda.

  1. Ugu horrayn waxa aan bulshada kula dardaarmayna in ay muujiyaan isku duubni iyo in xagga Allah loo cararo lana badiyo baryada Alle in uu inaga dulqaado musiibadan.

))فَفِرُّوا إِلَى اللَّهِ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ))……  )) أَمَّنْ يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ))

Isaga ayaana ah mid ka qaada dhibaatada guud iyo midda gaar ahaaneedba.

  1. In qof walba kaalintiisa ka qaato xakamaynta fiditaanka cudurkan dilaaga ah. Raacana talooyinka bahda caafimaadka, dhayalsanna khatartiisa, dhagahana ka furaysan talooyinka maamulka iyo bahda caafimaadku farayaan, taas oo khilaafsan dardaranadii nabiga NNKH oo ay kamid ahaayeen.

قال الرسول صلى الله عليه وسلم: ( لا ضرر ولا ضرار)…. وقال أيضا ‏«‏الْمُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ الْمُسْلِمُونَ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ،

  1. In ay culimada, aqoonyahanka iyo warbaahintu si firfircoon uga qayb qaataan ka wacyi galinta bulshada khatarta cudurka, iyado oo aan la abuurayn argagax.
  2. In la furo Sanduuq lagu aruuriyo tabaruucaad oo ay bulshadu hormuud ka tahay, oo ay ka qayb qaataan dhammaan Soomaalida dalka iyo dibadiisaba ku nool, si loogu taakuleeyo, dadka liita , iyo danyarta ku saamoobay dhaqaale ahaan musiibadan, gaar ahaan iyada oo ay inagu soo fooleedahay bishii barakeysnayd ee Ramadaan.

Waxbarashada iyo Tacliinta

  1. Qiyaastii Boqolaal kun oo arday soomaaliyeed ah oo isuga jirta arday dugsi quraan, dugsi hoose, dhexe, sare, macaahid iyo jaamacado ayaan aadi karaynin goobohoodii waxbarasho. Dadkaas oo in badan oo kamid ahi aysan daganaynin guryo waasac ah oo ay qoysaskoodu u wada joogi karaan si nafis ah, arrintaas oo ay ka dhalan karto is qabqabsi u dhexeeya qoys ka dhexdiisa ah ama dariskiisa, jawigaas oo uu si sahlan ugu faafi karo cudurkan.
  2. Waxbarashadaa duruufuhu ay hakiyeen waxaa ka shaqayn jiray oo ay noloshoodu ku tiirsanayd dad kor u dhaafaya tobanaan kun oo shaqaale ah oo isugu jiray macallimiin, maamul, nadiifiyayaal, waardiyeyaal … dadkaa shaqaalaha ah, oo si yaabo kala duwan ay ugu tiir sanaayeen qoysas aad u fara badan.

Hadaba, waa in la helaa talo ay kawada qayb qaatan dhammaan maamulada iyo bahada waxbarashada, kana Soo baxdo talo damaanad qaadeysa in ay sii socoto waxbarashadu, dawladduna waa in ay garab istaagtaa tacliinta gaar ka loo leeyahay, marxaladan adag , tacliintaas oo ah tacliinta ugu balaaran ee dalka ka socta, dhaqaale ahaanna saamayn xoog leh ku leh dhaqaaaqa dhaqaaala suuqa. 

Dhaqaalaha iyo Fursadaha Shaqo

Cudurkani waxa uu curyaaminayaa dhaq-dhaqaaqii ganacsiga, fursadihii shaqo ee koobnaa  ee awalba aan cagaha badan ku taagnayn, waxaa kale oo uu xannibayaa lacagihii bil kasta dibadda laga soo diri jirey oo ay qoysas badani ku noolaayeen. Haddaba:

  1. Waa in laysku tashado, lana beekhaamiyo waxa yar eela haysto.
  2. Dadku waa in ay isu naxariistaan, sadaqadana la badiyo, illayn waxaa la joogaa xilligii ay ugu habonayd e.
  3. Hogaanka dawladda iyo maamullada kala duwan waa in ay u howl galaan siddii kaalmo loogu fidin lahaa dadka u baahan, sida barakacayaasha, agoonta iyo dadka waayeel ka ah ee aan lahayn cid taakulaysa.
  4. Waa in canshuur dhaaf loo sameeyo badeecooyin ka quutud-daruuriga ah inta lagu jiro xilligan adag.
  5. Ganacsatadu waa in aysan isku dayin in ay kafaa`iidaystaan wadcigan adag, oo aysan qiimaha badeecooyin ka daruuriga ah kor u qaadin, maamullada iyo hay’adaha u xilsaaran na ay koontaroolaan ascaarta.

Siyaasada iyo Amniga

  1. Waxaan ugu yeeraynaa dowladda, maamulada kala duwan iyo siyaasiinta in la abuuro xasilooni siyaasadeed iyo inay si mug leh isaga kaashadaan la dagaalanka aafada caabuqa Covid-19.
  2. Waa in feejignaan dheeri ah ay galaan dhammaan hay`adaha amnigu, si loo badbaadiyo nafta iyo maalka muwaadin ka Soomaaliyeed, oo aan marnaba la ogalaan in ay dib u soo noqdaan isbaarooyinkii, dhacii hubaysnaa iyo qalalaasihii amni ee waayadan danbe laga nastay.
  3. Waa in si deg-deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobollada qaarkood, si loola tacaalo ladagaalanka cudurkan , si wadajr ahna  la isaga kaashado maaraynta  xaaladdaha lagu jiro. 

Gunaanad:

Ugu danbayn, iyadoo La ogsoon yahay in mushkiladaan caalamka oo dhan haysato, oo gargaar ay isku fidin karaan uu yaryahay, waxaa haboon is gurmadku noqdo mid qaran, oo yeesha weji dowladeed iyo mid ay bulshadu abaabusho, hormuudna ka tahay.

Allah waxaan ka baryeynaa inuu naga dul qaado cudurkan, badbaadiyona umaddeena meel walba oo ay joogaan.

Wabillaahi Towfiiq

Ururka Islaax

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON