Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo a mid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda Soomaaliya ee ‘Jamacadda Umadda’ ayaa markii ugu horeysay kasoo muuqday Warbaahinta Alshabaab, isagoo xaqiijiyay inuu kooxdaasi ku biiray.
Ninkan dhalinyarrada ah ee Abwaanka la baxay oo kasoo jeeda Somaliland ayaa la waayey Bishii Novembar ee sanadkii hore 2023, waxaana markaas la helay Buug xusuus qor ah oo uu ku caddeeyay fikirkiisa ah inuu la dhacsan yahay Alshabaab.
Wareysiga oo Baraha Bulshada si weyn loogu faafiyey ayaa dhaliyay hadal heyn badan, iyadoo dadka qaar ay faallooyin ka bixiyeen sida ay ku dhacday inuu ALshabaab ku biiro, waxay qaar kale ka horjeedeen in la faafiyo wareysigiisa xilligan oo NISA ay sheegtay inay xirtay dhammaan warbaahintii Alshabaab.
Su’aalaha lagu weydiiyay wareysiga waxaa ka mid ahaa: Waxa uu kasoo doonay Alshabaab..? wuxuuna sheegay inuu ku qancay fekerkooda, isagoo dhinac kale madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ku sheegay daba-dhilif dowlado shisheeye u shaqeeya iyo tacbanayaal.
Dooda ka dhalatay 100 maalmood kadib inuu Abwaan Nageeye dadka usharxo sababihii ku qaadya inuu Alshabaab ku biiro, waxaa barbar socota fashilka Hay’adaha Amniga, gaar ahaan Hay’adda Sirdoonka ee NISA oo ogaan weyday dhaqdhaqaaqa intaas la eg ee uu sameeyay qof ka mida shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.