Saturday, October 12, 2024

Xamaas oo sii deysay La-heystayaal Mareykan ah iyo Dowladda Qatar oo waanwaan gashay

Ururka Xamaas ee dagaalka kula Israel ayaa ku dhawaaqay inuu sii daayey laba haween oo heysta dhalashada Mareykanka, kadib waanwaan ay arrintaas ka gashay dowladda Qatar.

Afhayeenka Ciidamada Al-Qassam ee Xamaas ayaa shaaciyay inay lasii daayeen laba la-heyste oo Mareykan ah, sababo xaalad bini’aadantinimo darteed, kadib dadaal ay arrintaas ka gashay dowladda Qatar.

“Waxaan sii deynay labada la-heyste oo u dhashay Mareykanka si aan ugu caddeyno dadka Mareykanka iyo caalamkaba in eedeynta Joe Biden iyo maamulkiisa ay yihiin been abuur” ayuu yiri Afhayeenka Hamaas .

Ad

Labada maxbuus ayaa la sheegay inay yihiin Hooyo iyo Gabadheeda, iyadoo loo gacan geliyay Hay’adda Laanqeyrta Cas, lana geeyay dalka Masar, iyagoo kadibna loo dhoofinayo dalka Mareykanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in labada la-heyste ee lasii daayey ay kala yihiin:  Judith Raanan iyo gabadheeda Natalie, waxayna kasoo jeedaan magaalada Evanston ee Gobolka Illinois.

Mareykanka ayaa dalka Qatar la kaashaday sidii ay Xamaas u sii deyn lahayd labada haween oo ah kuwii ugu horeeyay oo ah ajaaniib u gacan galay Xamaas, kadib weerarkii ay 7-da Oktoobar ku qaadeen degaanada Yuhuudda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON