Saturday, March 15, 2025

Xamaas oo Gantaallo ku duqeysay magaalada Tel Aviv & Daartii Aljazeera ee Gaza oo la burburiyay (Sawirro)

Dagaalyahanada Xamaas ayaa maanta Gantaallo dhowr ah weerartay magaalooyinka Israa’iil oo ay ka mid tahay caasimadda Tel Aviv.

Weerarkan Sawaariiqda ahaa ayey sheegeen Garabka hubeysan ee Xamaad oo loo yaqaan ‘CISADIIN AL-QASAAM’ inay uga argoosanayaan duqeymo ay xaley Israa’iil ka geysatay xero qaxooti oo ku taalla Qaza oo lagu dilay 14 oo ka kooban laba qoys, u badnaa caruur iyo haween.

Israa’iil ayaa sheegtay inay qof Yuhuud ah uu ku dhintay weerarka, ayna ku dhaawacmeen in ka badn 40 qof, waxaana dadka lagu amray inay Guryahooda joogaan ama ay ku xeroodaan dhulka hoostiisa.

Ad

Dhinaca kale Militeriga Israa’iil ayaa duqeyn la beegsaday Daar weyn oo ku taalla magaalada Gaza, kaasoo ay deganaayeen Telefishanka Aljazeera iyo wakaalada wararka Mareykaka ee AP, waxaana si toos loo daawanayey burburka Daartaasi oo dadkii ki noolaa loo digay, kadibna gantaallo lala dhacay lagu burburiyey.

Saacad ka hor Gantaalaha lagu burburiyey waxaa milkiilaha dhismaha lasoo xiriiray sarkaal ka tirsan Sirdoonka Yuhuudda oo ku sheega inay heystaan saacad qura si ay uga baxaan Daartaasi oo la weerarri doono.

Agaasimaha guud ee Wakaalada Wararka AP, Gary Pruitt ayaa fal argagax leh ku tilmaamay duqeynta lagu baabi'iyey Daartii ay deganaayeen, isagoo yiri: "Waxaan aad uga naxay in milatariga Israel ay bartilmaameedsadaan oo ay burburiyaan dhismaha guryaha xafiiska xafiiska AP iyo ururada kale ee warbaahinta ee Gaza", wuxuuna intaas ku daray in AP ay macluumaad ka faahfaahin ka rabto dowlada Israel.

Dhismaha oo ka koobnaa 12 dabaq waxaa ku yaallay xafisyo iyo guryo, waxaana uu ka mid ahaa dhismooyin waaweyn oo diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ay dhulka la simeen oo qaarkood lagu dilay dadkii ku noolaa.

- Advertisement -
The aftermath following the Israeli strike, which destroyed Jala Tower - a 13-floor building housing Al Jazeera television and Associated Press
Israel 'destroyed Jala Tower in the Gaza Strip, which contains the Al Jazeera and other international press offices,' Al Jazeera said in a tweet. It was reported the army had warned the tower's owner ahead of the strike on Saturday
The bomb seen hurtling towards the building. Jawad Mehdi, the owner of the Jala Tower, said an Israeli intelligence officer warned him he had just one hour to ensure the evacuation of the building
A ball of fire erupts from the Jala Tower as it is destroyed in an Israeli airstrike in Gaza City. It came hours after another Israeli air raid on a densely populated refugee camp in Gaza City killed at least 10 Palestinians from an extended family

Smoke billows as an air bomb is dropped on the Jala Tower during an Israeli airstrike in Gaza City. Wael al-Dahdouh, Al Jazeera's bureau chief in Gaza, said: 'It's terrible, very sad, to target the Al Jazeera and other press bureaux'
Pedestrians look on as barricade tape surrounds an area hit by a rocket fired from Gaza, in Ramat Gan, Tel Aviv District, Israel, on May 15 in an image obtained from social media
A Palestinian firefighter speaks to colleagues following an Israeli strike on Rafah town in the southern Gaza Strip on May 15
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON