Friday, November 8, 2024

Xamaas oo bilowday Weerarkii weynaa ee ‘DUUFAANTA AQSAA’ iyo wararkii ugu danbeeyay…

Garabka Milateriga Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee reer Falastiin ayaa qaaday weerarkii ugu weynaa abid oo ay ku ekeeyeen Israa’iil, waxaana warar ku saabsan xaalad aan hore loo arkin.

Sabtida maanta ayay Guutada Cisadiin Al-Qassam (Garabka Militari ee Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islamka ee Xamaas) ayaa bilaabay howlgalo militari oo ballaaran, kaasoo ka dhan ah Yuhuudda.

Howlgalka oo loogu magac daray ‘DUUFAANTA AQSAA’ ayaa ku bilowday kumanaan Gantaalo iyo gantaalo ah oo lagu riday magaalooyinka Israa’iil, sidoo kale waxay ciidamada Xamaas, ka gudbeen xeydaanka Gaza, iyagoo qabsaday degaano ay leeyihiin Yuhudda la dejiyay Gaza.

Ad

Sidoo kale waxaa la soo bandhigay ciidamo Yuhuud ah oo ay maxaabiis ahaan u qabsadeen xamaas, waxaana socda dagaal dhinacyo kala duwan leh oo ah kii ugu weynaa oo Israa’iil kasoo wajaha kooxaha Falastiiniyiint.a

Taliyaha guud ee guutooyinka Ciidamada Xamaas ee Al-Qassam, Muxammad Al-Deif, ayaa ku dhawaaqay billowga howlgalka “Duufaanta Al-Aqsaa” ee lagu qaaday Israa’iil.

Farrintiisa codka ah ayuu ku sheegay in duqeyntii ugu horreysay ee howlgalka ay kor u dhaaftay 5,000 oo gantaal iyo madaafiic lala beegsaday magaalooyinka Israa’iil.

- Advertisement -

Dhinaa kale Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay hawl-gelinta Aaladda loo yaqaan ‘Iron Dome’ oo ah Gantaalaha ka difaaca ee ka hortagga Sawaariiqda,

Ra’iisal wasaaraha Isreal Benyamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay dagaal aanay waxba la hareynin, kadib markii ay Xamaas dagaal gaadmo ah kusoo qaaday dowladda Isreal, sida uu yuru.

Wuxuu intaas raaciyay inay Yuhuuddu ku jirto Dagaal buuxa oo aanu ahayn howlgal, balse ay qaadi doonaan dagaalkii ugu weynaa oo aan weli hore loo arag. Israel ayaa dhinaceeda bilowday “Seeffaha Birta” ee ka dhanka ah Marinka Gaza.

Wararkii ugu dnabeeyay ayaa sheegaya inay Xamaas ay gacanta ku dhigtay 35 Israa’iili ah isla markii uu bilowday weerarka Gaza, sidoo kalena ay tiro beel yihiin tirada dadka dhintay iyo dhaawaca.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON