Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan shirar xasaasi ah oo xal loogu raadinayo qabashada Doorashada 11-kursi oo ku harsan magaalada Beledweyne.
Shirarkan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Dabageed iyo Musharixiinta, iyagoo xal loogu raadinayo khilaafka ka taagan kuraasta beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel.
Cali Guudlaawe ayaa qorsheystay inuu ku laabto magaalada Jowhar halkaasina ku dhameystiro kuraasta ku harsan Jowhar, inta xal looga helayo arrinta Beledweyne, laakin waxaa arrintaasi soo dhex galay dadaal ay wadaan Yuusuf Dabageed iyo Musharixiin dhowr ah oo doonaya inuusan Madaxweyne Guudlaawe safrin iyadoo aan la qaban doorashada kuraasta u harsan Beledweyne.
Yuusuf Dabageed ayaa donaya iyo dhowr kursi uu isagu maamulo, isla markaana uu u xiro xubno uu wato, halka Musharixiinta intooda badan ay kalsooni ku qabaan Madaxweyne Guudlaawe, ayna doonayaan inuu furo tartanka 11-ka kursi ee qarsan si loogu tartamo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dood dheer kadib uu Yusuf Dabageed uu ka tanaasulay kuraas oo doonayay inuu dad gaara u xiro. Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ka baaqday safarkii uu ku aadi lahaa Jowhar, iyadoo la isku afgartay in la qabto doorashada kuraasta ku harsan magaalada Beledweyne.
Saraakiisha Hirshabeelle ayaa beeniyay warar lagu faafiyey baraha bulshada oo ku saabsanaa in madaxweynaha Hirshabeelle safar laga hor istaagay oo xabsi guri la geliyey.
