Thursday, November 30, 2023

Xajkii 2-aad ee ugu dadka yaraa oo Berri bilaabanaya iyo Shuruudaha adag ee Sacuudiga kusoo rogay (Warbixin)

Xujeyda sanadkan ayaa maanta oo Sabti ah bilaabaya inay tegaan magaalada Makka Al-Mukarramah, si ay ugu diyaar garoobaan bilaabista acmaasha xajka Berri oo Axad ah.

Xajka ayaa sanadkii labaad oo dunida uu saameeyay Cudurka Covid-19, waxaa inay xajiyaan loo ogol yahay oo kaliya dadka degan Sacuudiga. Sanadkan waxaa xajka loo qoondeeyay 60,000 qof oo ah Sacuudiyaanka iyo Muslimiinta degan dalkaasi.

Sanadkii ugu danbeeyay ee Xajku furnaa 2019 waxaa xajka gutay dad lagu qiyaasay 2.5 milyan oo Muslimiin ah. 60-ka kun ee sanadkab ka qeyb galaya waxaa laga soo xulay 558,000 oo codsaday, iyagoo la raacaya nidaamka xaqiijinta elektarooniga ah.

Ad

Xajka ayaa Acmaashiisa waxay bilaaban doonaan Axada, waxayna socon doonaan 5 maalmood. Xujaajtu waxay acmaashooda ku bilaabanayaan inay ku dawaafaan Kacbada bilowga cibaadada, kadib waxay ku orod ku sameyn doonaan Safa iyo Marwa, inta aysan aadin Mina Axadda oo ah maalinta loo yaqaan Tarwiyah.

Maalinta 9-aad ee Dulxaj oo ku beegan Isniinta ayey xujeydu istaagi doonaan bannaanka Carafa Isniinta, qiyaastii 10 kiiloomitir ka fog Xaramka, waana tiirka ugu muhiimsan ee acmaasha Xajka, oo ay ku xigi doonto Ciidul Adxaa.

Xajka sanadkaan waxaa lagu koobay dadka da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 65 sano jir ee qaatay talaalka viruska Covid-19, iyo kuwa aan laheyn cudurada halista ah. Xilliga Xajka sanadkan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordhayaan dadka uu soo ridanayo cudurka Covid-19 dunida oo dhan.

- Advertisement -

Sanadkii hore 2020, Sacuudiga wuxuu abaabulay xujeydii ugu yarayd marka loo eego tirada kaqeybgalayaasha taariikhda dhow, waxayna masuuliyiintu markii hore sheegeen in 1,000 xujey ah ay kaqeyb qaadan doonaan oo kaliya, laakiin warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in 10,000 oo qof ay kaqeyb qaateen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON