Thursday, April 24, 2025

Xafladii Sanadguurada koowaad ee Xukuumadda Kheyre oo Caawa la joojiyey & Sababta ka dambeysa [Sawirro]

Kulan loogu talogalay xuska sanadguurada koowaad ee xukuumadda Soomaaliya oo qorsheysnaa in caawa lagu qabto Muqdisho ayaa la baajiyey saacadihii ugu danbeeyay.

Xafladd lagu casuumay boqolaal marti sharaf ah oo la filayay in lagu soo bandhigo  waxqabadka xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo sanad jirsatay kadib kalsoonidii ay siiyeen Baarlamaanka federaalka ayaa la joojiyey iyadoo aan la sheegin in dib laga qaban doono iyo inkale.

Warara ayaa sheegaya in xafladda loo baajiyey xiisadda siyaasadeed ee ka taagan xildhibaannada Baarlamaanka, iyadoo laga war helay in taageerayaasha Guddoomiye Jawaari ay diyaariyeen qorshe ay qas uga sameynayaan xafladaasi, iyagoo helay waraaqo ka mida casuumadii la qeybiyay.

Ad

Xafladda ayaa lagu waday inay caawa ka dhacdo hoolka Sahal ee ku dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo wax kasta loo dhammeystiray, balse ugu danbeyn la joojiyey.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON