Waxaa hakad ku jirta xafladii Xeritaanka Saxaaiixa Heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya, kadib markii ay xal laga gaari waayey khilaafka siyaasiinta Waqooyi ee qeybsiga Guddiyada Doorashada.
Madaxdii ku shirtay Afisysoone ayaa isku dayey inay marsiiyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Garabkiisa heshiis aanu ogoleyn, waxaana fashilmay qorshahoodii ahaa inay ka socdaan Cabdi Xaashi iyo kooxdiisa oo Xafladda la qabto.
Xubaha Midowga Musharixiinta ayaa xarunta Afisyoone keenay Cabdi Xaashi iyo kooxdiisa markii ay kuqaciyeen in uu tabashadiisa la tago Teendhada, waxaana shirar gaara hadda ka socda xarunta xafladda ka dhici lahayd ee Afisyoone.
R’iisal wsaaare Rooble, Madaxda maamul gobaleedyada iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa shir la leh Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi si xala loogu helo qodobka ugu culus ee hortaagan saxiixa iyo dhammeystirka heshiiska Doorashada.
Waxaa rajo laga qabaa in xal laga gaaro arrintan oo markii hore ay doonayeen saxiixyaasha Heshiiska inay marsiiyaan kooxda Cabdi Xaashi.
