Saturday, December 14, 2024

Xabbad joojin ka dhaqan gashay Marinka Gaza iyo Wararkii ugu danbeeyay

Xababd joojin kooban oo 4 maalmood socon doonta ayaa saaka ka dhaqan gashay Marinka Gaza, kadib dagaal lagu hoobtay oo Ciidamada Yuhuuda ku qaadeen dhulkaasi, markii uu dhacay dagaalkii Xamaas ee 7-da Oktoobar.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa billaabay xabbad-joojinta oo ay kasoo shaqeeyeen Dalalka Qatar, Mareykanka iyo Masr, waxayna Xamaas sii deyn doontaa 50 Qof oo haween iyo caruur u badan kuwaas oo ay ku aduubatay dagaalkii 7-da Oktoobar.

Maalin kasta 13 haween iyo carruur Israa’iil ah ayaa lasii deyn doonaa, waxaana Israa’iil dhinaceeda sii deyn doontaa 150 Qof maxaabiis Falastiiniyiin ah oo haween iyo caruur u badan, iyadoo sidoo kale Marinka Gaza ee go’doonsan la geynay gargaar shidaal iyo Raashin isugu jira.

Ad

Israa’iil iyo Mareykanka ayaa diidan Xabbad-joojin rasmi ah, waxayna kaliya ogolaadeen degaan kooban oo 4 maalmood ah, iyadoo Ciidamada Israa’iil ay dadka Falastiin u diideen inay u gudbaan dhinaca waqooyi, kaliyana ay ogol yihiin in dadku aadaan Koonfurta.

Saaka ayey ciidamada Yuhuudda rasaas ku fureen dad doonayay inay gudbaan dhinac Waqooyi, iyadoo dishay hal qof, dhowr kalena dhaawacday.

Masar ayaa sheegtay in 130,000 oo litir oo shidaal ah iyo afar baabuur oo gaas ah la geyn doono Gaza maalin kasta marka xabbad joojinta la bilaabo, waxaana maalin walba Gaza soo geli doona 200 oo baabuur oo gargaar ah.

- Advertisement -

Saacado kadib xabbad joojinta kooban waxay dadku arkeen markii ugu horeysay burburka weyn ee duqeynta Yuhuudda u geysatay Marinka Gaza oo in in ka badan kala bar dhulka lala simay.

Yuhuudda ayaa Marinka Gaza ku dishay dad ka badan 15-kun oo Falastiiyiin ah, iyadoo ku dhaawacday in ka badan 30-kun oo kale, iyadoo weerar ku qaaday isbitaallada Waqooyiga Gaza.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON