Wasiirka difaaca Israa’iil Avigdor Lieberman oo ah nin xagjir ah oo ka tirsan Yuhuudda garabka midig ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay.
Wasiirkan ayaa ka hor yimid xabad joojin ka dhacday Marinka Gaza oo dhex martay kooxaha ay hoggaamiso Xamaas ee reer Falassiin iyo dowladda Israel, waxayna ka dambeysay iska hor imaadyo iyo duqeymo dhex maray labada dhinac.
Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta ku tilmaamay in la isku dhiibay argagixisada Xamaas. wuxuuna sheegay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Netanyahu oo Garabka Midig.
Kooxaha Xamaas iyo reer Falastiin ee GAZA ayaa ilaa 400 oo Gantaallo ku riday degaanada Israa’iil ee ku dhow Marinka Gaza, taasoo keentay xaalad cabsi ah oo soo food saarta Hal Milyan oo Yuhuud ah.
Is-casilaadda Wasiirka Difaaca oo ahaa ninka ugu xagjirsan Wasiirada Yuhuudda ayaa loo arkaa guul usoo hoyatay kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin.