Tuesday, October 3, 2023

Xaasaskii Alshabaab ee la socday Gaari sida Agab Qaraxyo oo xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday rag iyo haween lagu soo eedeeyay inay la socdeen Gaari qaraxyo sida oo ka yimid degaanada Alshabaab.

Gaarigan oo ahaa Land Cruozer nooca Leyla-calawi ayaa kasoo baxay deegaanka Kuunya-Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la socday shan haween ah oo ua badan xaasad xubno ka mida Alshabaab, iyadoo dacwad lagu soo oogay haweenkaasi, darawalkii gaariga iyo nin kirishboy ka ahaa.

Maxkamadu waxay Yuusuf Cali Nuune Aadan oo ahaa darawalkii gaariga ku xukuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, markii lagu helay inuu iska hubin waayay rarka uu kusoo qaaday Gaarigiisa.

Ad

Waxay kaloo Maxkamadda ku xukuntay in haweenkii gaariga la socday muddo laba sanno ah isha ay ku hayaan Booliiska, kana bixi karin Muqdisho, waxayna kala yihiin:

1- Khadra Maxamed Ciise Warsame

2- Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax

- Advertisement -

3- Sahro Xuseen Ciise Maxamuud

4- Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow

5- iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi.

Ugu dambeyn maxkamadda ciidamada ayaa sii deysay oodambi ku weysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa kirisdhbowgii Gaariga lagu qabtay Qaraxyada siday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,982FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!