Saturday, April 19, 2025

Xaaladda Sheekh Mukhtar Roobow oo laga deyrinayo iyo tallaabo uu ku dhaqaaqay

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo sanadkii saddexaad u xiran madaxda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay xaaladiisa sii xumaatay.

Roobow ayaa la sheegay inuu cuntada ka soomay ilaa maalintii Khamiistii oo uu diiday inuu qaato wax raashin ah, isagoo ka cabanaya xarigiisa iyo xaaladda uu ku usgan yahay, sida laha soo xigtay dad ku dhow iyo ehelkiisa.

Yuusuf Xasan Mursal oo ku dhow Sheekh Mukhtaar Robow ayaa saxaafadda u sheegay inuu Sheekha cuntadii ka soomay, isla markaana ay xaalad adag heysato, wuxuuna uga digay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Farmaajo inuu qaadi doono wixii ka yimaada arrintaasi.

Ad

Wuxuu intaasi ku daray in Gurigii saddexaad uu ku xiran yahay Sheekh Roobow, isla markaana marar badan oo uu xanuunsaday loo diiday isbitaal iyo xaaladiisa caafimaad in lala tacaalo, haddana uu bilaabay inuu cuntadii diido. Waa markii labaad ee arrinta cunto ka soomidda Roobow la shaaciyo, iyadoo aan la ogeyn xaqiiqadeeda.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa ahaa mid siyaasadeed oo looga reebay doorashadii madaxweynaha K/Galbeed oo looga cabsaday inuu ku guuleysto, mana jiro denbi maxkamad loo soo taagay ilaa markii magaalada Baydhaba laga soo xiray Disembar 2018.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON