Sunday, January 26, 2025

Xaaladda Guriceel oo maanta ka duwan sidii hore: Ma lasoo afjari doonaa Dagaalka Ahlu suna..?

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo xaaladda Galmudug iyo xaaladda dagaalka Guriceel.

Xaaladda magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta ka duwan saddexdii maalmood ee dagaalladu ka socdeen, waxaana soo baxaya inta badan ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug.

Xaaladda magaalada ayaa saaka degan, waxaase la maqlayaa rasaas goosgoos ah, kooxda Ahlu Suna ayaa weli ku jirta aagga Jaamacadda iyo degaanada yaryar oo la xiriira markii shalay laga saaray aagag kale oo ay ku jireen.

Ad

Ciidamada dowladda oo gurmad hor leh Muqdisho uga yimid ayaa isu diyaarinayaan dagaalkii ugu danbeeyay ee lagu soo afjaro Ahlu Suna, waxaase la filayaa in xaaladda wax iska bedelaan maanta.

Sheekh Shaakir iyo ciidamada uu heysto ayaa mar kale laga yaabaa inay waanwaan dalbadaan si ay uga baxaan magaalada, laakiin madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo dhowr jeer arrintaasi laga codsaday balse Ahlu suna uga baxday ayaa la sheegay inuu goor dhow warbaahinta la hadli doono.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa markii ugu horeysay la filayaa inuu ka hadlo go’aanka maamulkiisa ee xaaladda Guriceel, dagaalkii ka socda iyo sida xaaladu ku dambeyn doonto.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON