Sunday, February 16, 2025

Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Turkiga iyo Doorashada Adag ee kusoo fool leh

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha Turkiga Rejab Tayyib Erdogan, kadib markii si degdega u joojiyey wareysi uu bixinayey Talaaladii, xaalad caafimaad darteed.

Erdogan oo ku jira ololaha doorasho adag oo uu doonayo in mar kale la doorto ayaa baajiyay isu soo baxyadii iyo ololaha doorashada ee maalmaha Arbacada iyo Khamiista la filayay inuu ka qeyb galo, iyadoo Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka dalka Turkiga ay dhaceyso 14-ka May 2023.

“Maanta, waxaan ku nasan doonaa Guriga, waana talada dhakhaatiirteyda” ayuu Madaxweyne Erdogan ku soo qoray bartiisa Twitter-ka shalay, taasoo keenay in la isla dhex maro xaaladiisa caafimaad.

Ad

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga AK ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Turkiga Erkan Kandemir ayaa sheegay in Erdogan uu maanta Khadka Internetka uga qeybgali doono xaflad ka dhacaysa warshada tamarta Nukliyeerka ee magaalda Akkuyu, koonfurta gobolka Mersin.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sheegay in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsan tahay. “Xaaladda madaxweynaheenu aad bay u wanaagsan tahay, si joogto ah ayaanu ula xiriiraa, qabow yar baa ku dhacay,” ayuuna yiri.

Wakaalada wararka Turkiga ayaa si weyn u beenisay wararka Warbaahinta ka faafisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Erdogan, waxayna been abuur ku tilmaantay in xaaladiisa ay liidato, sida uu sheegay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada, Fahrettin Altun.

- Advertisement -

Doorashooyinka Turkiga ayaa sanadkan la filayaa inuu loolan adag wajaho hoggaamiyaha dalkaasi Erdogan oo muddo 20 sano ah ka talinayay dalkaasi, waxaana Ra’yi uruurin la sameeyay ay muujisay inuu Erdogan lumin karo Doorashada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON