Sunday, May 25, 2025

Xaalad ka taagan Khudbadda Baarlamaanka ee Madaxweyne Farmaajo & Kalsooni siinta Ra’iisal wasaare Rooble

Xildhibannada Golaha shacabka ayaa maanta kulan gaara oo ku saabsan Kalsooni-siinta Ra’iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, laakiin waxaa wehliya khudbad uu dalbaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu u jeediyo Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa go’aansaday inuu xildhibaannada Baarlamaanka la hadlo, iyadoo wararku sheegayaan inuu ka codsan doono inay kalsooni siiyaan Ra’iisal wasaarihiisa cusub, balse ay qorsheysan tahay inuu sidoo kale xildhibaannada u sharxo heshiiskii Doorashada Dadban ee ay Muqdisho ku gaareen isaga iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Ad

Qaar ka mida xildhibaannada Golaha shacabka ayaa si cad u sheegay inay horjeedaan heshiiska Doorashada, isla markaana aysan aqbali doonin, waxayna uga digeen Madaxweyne Farmaajo inuu Golaha hor keeno heshiiskaasi. Lama oga in Madaxweyne Farmaajo arrintan ku dhiiran doono iyo inuu ku ekaan doono kalsoonida Ra’isal wasaaraha, iyadoo la ogaan doono guuxa ka dhex jira Baarlamaanka iyo awoodda inta diidan heshiiska Doorashada.

Dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka ayaa diyaar u ah inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si shaqsi ah loogu qaadayo cod, mana jirin Ra’iisal wasaare codeynta hore loo diiday ama waayey, waxayna arrintu adkaan doonta marka uu xukuumad soo dhiso oo kalsooni kale laga rabo Baarlamaanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON