Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo maanta xilka la wareegay ayaa xil cusub u dhiibay madaxwaynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Ruto oo khudbadiisii ugu horeysay ka jeediyay munaasabadii caleemo-saarkiisa ayaa sheegay inuu Uhuru Kenyatta u wakiishay adaallada nabadeed ee ay Kenya ka wado dalalka Gobolka.
Wuxuu tilmaamay Kenyatta shaqo lagu bogaadin ka qabtay dadaallada nabadda, gaar ahaan Itoobiya iyo Gobolka harooyinka waaweyn (Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. (D.R.C.), Burundi, Rwanda, iyo Uganda)
Madaxweyne Ruto ayaa ku dhawaaqay inuu ka codsaday Madaxweynihii hore inuu noqdo ergayga nabadda ee dalalkaas uga wakiilka ah, xilkaas oo uu aqbalay .
“Wadahadallada nabadeed ee ka socda Gobolkeena oo ay ka mid yihiin Itoobiya iyo gobolka harooyinka waaweyn, waxaan ka codsaday walaalkey iga weyn Madaxweyne Uhuru Kenyatta sii wado waanwaan nabadeed, iigana wakiil noqdo, isaguna waa iga aqbalay” ayuu yiri Ruto.
Wuxuu ballanqaady in dowladda Kenya iyo isagaba ay taageerayaan hindisayaasha uu garwadeenka ka yahay Madaxweynihii hore Uhuru Kenyatta.
