Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in wiilka uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ee shilka ku galay dalkaasi uu dib ugu noqonayo Turkiga si loogu Maxkamadeeyo.
Wasiirka Cadaaladda dalka Turkiga  Yilmaz Tunc ayaa goor dhoweyd shaaciyay in wiilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku laaban doono Turkiga si uu u wajaho Maxkamadda shilka uu ku galay dalkaasi ee uu ku dhintay nin Mootaale ahaa.
Wasirka ayaa sheegay inay madaxda Soomaalida kala hadleen arrintan, isla markaana maalmaha soo socda uu wiilka Madaxweynaha imaan doono dalka Turkiga, kadibna ay si degdega u bilaaban doonto Maxkamadda.
Arrintan ayaa timid kadib markii dood weyn ay ka dhalatay dalka Turkiga oo ku saabsan in cadaalad loo helo Ninka ku dhintay shilka uu galay wiilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna dadku ka careysnaayeen inuu Turkiga isaga tegay.
Maxamed Xasan Sheekh oo wada Gaari ay leedahay Safaaradda Soomaaliya ayaa 30-kii Bishii November shil ku galay magaalada Istanbul, wuxuuna Tukiga ka dhoogay 2dii Disembar, balse ninkiii oo dhaawac darran ahaa ayaa isbitaalka ku dhintay 6-dii bishan Disembar.
Ugu danbeyn waxaa muuqata in madaxda dowladaha Somaliya iyo Turkiga ay xal u heleen arrintan gilgishay dadweynaha Turkiga, iyadoo wiilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku noqon doono Turkiga si loogu maxkamadeeyo.