Wiilsha uu dhalay saxafagii caanka ahaa ee Sucuudiga Jamaal Khashoggi ee sida naxdinta lahayd loogu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku lahaa magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay cafiyeen raggii dilay aabahood oo aan weli meydkiisa la helin.
Mid ka mida wiilasha uu dhalay Jamaal oo lagu magacaabo Saalax ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Habeenkan fadliga leh iyo bishan fadligeeda, waxaan soo xusuusanay Hadalka Allle ku yiri: ‘Xumaan waxaa lagu gudaa xumaan la mida. Qofkii iska cafiya oo qaata heshiis Ilaahey ayaa abaal marin doonaa’. Haddii aan nahay wiilasha Jamal Khashoqgi waxaan caddeyneynaa inaan cafinnay kuwii dilay aabaheen, Alle dartiis.. Waxaan ajir iyo abaalmarin ka rajeyeynaa Allah sare ee awoodda leh”

Arrintan ayaa dood badan ka dhalisay baraha Bulshada, waxaana xubnaha mucaaradka qurbe-joogta ah ee Sacuudiga ay sheegeen in kiiska dilka Jamaal uu yahay dil siyaasadeed iyo dil wadareed aanu qoys cafin karin, iyagoo caddeeyay inaysan horeba u filayaan in maamulka Sacuudiga uu culeys saarayo qoyska Jamaal Khashoqgi oo ku nool magaalada Jiddah.
Bayaan ay saxiixeen 23 xubnood oo ka mida dadka ugu waaweyn mucaaradka Sacuudiga ee dibada ku nool ayaa si adag uga hor yimid cafinta raggii dowladda Sacuudiga ka tirsanaa ee sida foosha xun u dilay weriye Jamaal Kashoqgi.
Dhinaca kale haweeneyda ay is guursan rabeen Marxuum Jamaal ee Turkiga u dhalatay ayaa ku gacan seyrtay cafinta dilka Weriye Jamaal iyadoo caddeysay in arrintan ay tahay arrin caalami ah oo ka weyn wax uu qoys go’aan ka gaari karo.
Saxafiga Jamal Kashoqgi ayaa Oktoobar 2018 lagu dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul, waxaana jirkiisa jarjaray ilaa 15 ka mida saraakiisha sirdoonka Sacuudiga, waxaana weli la helin meydkiisa oo warar kala duwan sheegeen markii la jarjaray kadin in la gubay.
Turkiga iyo Sirdoonka Reer Galbeedka ayaa rumeysan yihiin in amarka dilka Jamaal uu bixiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.