Sunday, March 16, 2025

Wiil uu Soddog u yahay Madaxweyne Erdogan oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda Turkiga [Akhriso]

Madaxweynaha Turkiga ayaa xilka Wasiirka Maaliyadda & Lacagta u magacabaay nin uu Soddo u yahay oo hore u ahaa wasiirka Tamarta dalkaasi oo lagu magacaabo Berat Albayrak.

Berat Albayrak waa 40 sano jir ay u dhaxdo gabadha weyn ee uu dhalay Erdogan ee Esra oo u dhashay saddex caruur ah, waxaana xiriir dhow kala dhaxeeyaa madaxweynaha Turkiga isagoo ka mida ragga ugu dhow ee la taliya, wuxuuna baarlamaanka dalkaasi soo galay sanadkii bishii June 2016.

Wuxuu wasiirkan ka mid ahaa  golaha wasiirada cusub oo uu xalay ku dhawaaqay madaxweyne  Recep Tayyip Erdogan, waxayna taasi keentay inay hoos u dhacdo qiimaha lacagta Turkiga ee Liiraha, iyadoo laga cabsi qabo siyaasadaha cusub ee dhaqaalaha dalkaasi lagu maamuli doono.

Ninka uu soddoga u yahay Recep Tayyip Erdogan ee Berat Albayrak ayaa xilka kala wareegaya wasiirkii hore Maaliyada iyo Lacagta dalkaasi Mehmet Simsek,oo taageersanaa dhaqaalaha furan, isla markaana ka horjeeday qorshaha horumarineed ee kharash gareynta mashaariicda waaweyn ku dhisan.
Lacagta Liiraha Turkiga ayaa hoos u dhacday 2.5 % isla markii lagu dhawaaqay golaha wasiirada cusub marka loo eego Doolarka Mareykanka iyadoo halkii doolar uu gaaray 4.6889 Liire.
Dhaqaalaha Turkiga ayaa ah kan ug koritaanka badan dunida, wuxuuna ka kororsiimo badan yahay dahqaalaha Shiinaha, iyadoo madaxweyne uu khubadiisii caleemo saarka ku ballanqaaday inuu Turkiga gaarsiin doono ka mid noqoshada 10-ka dal ee ugu dhaqaalaha badan Caalamka.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON