Waxaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya wiil uu dhalay siyaasiyiga caanka ah ee Xasan Abshir Faarax.
Wiilkan oo lagu magacaabo Abshir Xasan Abshir ayaa shalay lagu soo dhoweeyay magaalada Garowe, wuxuuna hore usoo noqday xildhibaan kadiba markii aabihii uu caafimaad darro awgeed uga haray siyaasadda, isagoo horeba ugu magacawnaa safiir.
Musharax Abshir Xasan Abshir oo dadkii soo dhoweeyay kula hadlay fagaaraha Garowe ayaa sheegay inuu u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya , Islamarkaana uu horseedi doono isbedel dhab ah haddii uu ku guulaysto hogaaminta dalka.
Musharaxnimada Ina Abshir Faarax ayaa loo arkaa mid aan fursad badan lahayn, maadaama siyaasiyiin miisaan leh ay isku garbinayaan kursiga Villa Somalia.
Goobjooge.com