Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wiil uu dhalay hogaamiye ka tirsan Alshabaab oo degaankaasi laga yaqaan.
Dilka ayaa ka dhacay saldhigga degaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku xirnaa wiilkan oo uu dhalay Amiir ka tirsan Alshabaab oo u qaabilsan degaanka Moqokori.
Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid yahay maleeshiyo la dagaalanta Alshabaab oo degaankaasi looga yaqaan xaq u dirir, waxaana uu rasaas ku furay markii subaxnimadii loo soo bixiyay maxaabiista bannaanka si ay musqul u isticmaalaan, isagoo ka careysnaa dil ninka wax dilay  loo geystay walaalkii oo Alshabaab ay sheegeen inay dileen.
Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Maxaas Bishaar Faarax Darandoori ayaa xaqiijiyay dilka wiilka maxbuuska ahaa, isagoo sheegay inaysan ciidamo badan halkaasi joogin, ninka dilka geystayna uu ku soo dhex dhuuntay ciidanka.
Goobjooge.com