Koox hubeysan ayaa caawa wiil dhalinyarro ah ku dilay magaalada Muqdisho, iyadoo sii xoogeysanayaan dilalka sida joogtada ah uga dhacaya caasimadda.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley, iyadoo koox ka kooban laba nin oo dabley ah ay toogasho ku dileen wiil dhalinyarro oo xaafadda laga yaqaanay, kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxayna baaritaan ka sameeyeen halkaasi, inkastoo aan lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo dableydii ka dambeysay dilkaasi.
Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa sii kordhayay dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo mootooyink dhugdhugleyda ah laga xareeyay magaalada, waxaana haddana xowli ku socda falalka khaarijinta ah.