Friday, December 1, 2023

Wiil 17 Sano jir ah oo lagu qabtay Xarardheere iyo Wasiir Fiqi oo eedeyn u jeediyay..

Ciidamada dowladda ayaa magaalada Xarardheere ku qabtay wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu sahan u ahaa Alshabaab si ay qarxyo uga geysato magaaladaasi.

“Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida uu sheegtay ka tirsanaa Khawaarijta, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere”. ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ku sugan Xarardheere.

Wasiir Fiqi ayaa wiilkan 17 sano jirka ah ku eedeeyay inay Alshabaab u soo dirtay sidii ay u qarxin lahayd magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ad

Ciidamada iyo dadka deegaanka degmada Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayga argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada, sida uu yiri Wasiir Fiqi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON