Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in caawa lagu xiray laba weriye oo ka mida saxafiyiinta ka howlgla.
Weriyeyaashan oo lagu kala magacaabo Cabdullahi Warsame Rooble iyo C/Weli Maxamed Tooxow ayey ciidamada Booliska magaalada Dhuusamareeb Caawa xabsiga dhigeen, kadib markii uu xarigooda amar ku bixiyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Wararka ayaa sheegaya in labadan weriye loo heysto dacaayado iyo warar been ah oo ay ka faafiyeen Madaxweyne Qoorqoor iyo maamulka Galmudug, iyagoo muddooyinkan danbe si weyn dhaliilo culus u jeediyey Madaxweynaha Galmudug, kuna qorayey barana bulshada.
