Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray weriye u shaqeeya TV-ga Puntland.
Ciidanka Nabadsugidda maamulka Jubaland ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen weriye Cumar Yaasiin Cumar oo u shaqeeya TV-ga Puntland.
Weriyaha ayaa la sheegay in loo heysto inuu baahiyay  warka  ku saabsan ciidamo gadoodsanaa oo Saaka la wareegay xarunta ay ka socotay doorashadda Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Xariga weriyaha keenay in ay saxafiyiin badan isugu tageen goobta lagu xiray weriyaha, iyagoo dalbanaya in la sii daayo.
Maamulka Jubba ayaa weriyeyaasha u diiday inay baahiyaan doorashada ka socota magaalad Kismaayo, waana maamulka ugu horeeya ee cadaadiya saxafiyiinta ka howlgala degaanadiisa.
Goobjooge.com