Wariye ka tirsan Telefishanka Universal oo ka howlgeli jiray magaalada Muqdisho ayaa lagu xiray garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa markii uu ka laabtay Muqdisho.
Weriye Najiib Cabdiweli Cabdi (Xiis) ayaa maanta lagu xiray Magaalada Hargaysa kadib safar shaqo uu kaga laabtay magaalada muqdisho, waxaana xarigiisa lagu micneeyay inuusan heysan Baasaboor, taasoo ah sharci dhowaan ay soo rogtay maamulka Somaliland.
Weriyaha ayaa u xiran arrintaasi iyadoo dadaal loo galay sii deyntiisa aan lagu guuleysan sida uu sheegay agaasimaha telefishanka Universal ee Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa dadka ka duulaya ama isaga gooshaya Hargeysa iyo Muqdisho ku soo rogay Baasaboor inay sitaan, iyagoo la sheegay inay u kala gooshayaan laba dal oo kala madax bannaan.