Weriye Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa, kadib markii uu muddo ku dhow laba toddobaad u xirnaa dowladda Soomaaliya.
Xariga weriyaha oo warar kala duwan kasoo baxeen ayaan wax sabab ah la shaacin, iyadoo si shuruud la’aan ah lagu sii daayey maanta, waxaana jirta inaan la sheegin arrimihii loo xiray ee keentay inuu muddo xabsi ku qaato.
Ururada Saxafiyiinta ayaa soo dhoweeyay sii deynta weriye Nuur Ismaaciil Sheekh, waxayna u mahad celiyeen intii ka qeyb qaadatay sii deyntiisa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in xarigiisa uu ka dabeeyay mas’uul ka tirsan dowladda.