Tuesday, May 20, 2025

Weriye Cali-Nuur oo degdeg loogu gudbiyay Xabsiga Dhexe, Eedeynta loo heysto iyo Maxkamad..

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa si degdega maxkamadda Gobolka Banaadir gelinkii danbe ee shalay horgeysay Weriye Cali-Nuur Salaad oo Booliska Muqdisho ku xiray Talaadadii.

Weriyaha oo Boolisku kusoo eedeeyay Anshax darro ayaa ayaa loo dhaadhiciyay Xabsiga Dhexe, kadib markii la horgeeyay Maxkamadda, ayna Xeer ilaalintu codsatay xabsi xalaaleyn, si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameyso kiiska loo heysto Weriyaha oo hadda isu bedelay u gefid Qaranka iyo sumcad dilis.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ogolaatay dalabka Xeer ilaainta, waxaana loo jaray Amar xabsi ku heyn muddo 45 maalmood ah, iyadoo inta uu xarigiisu socdo la diyaarinayo dacwadiisa.

Ad

Cali-Nuur Salaad ayaa ahaa weriye kasoo shaqeeyay Warbaahin kala duwan, marna wuxuu soo noqday madaxa xiriirka ee xafiiska Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, isagoo markii dambe ka mid noqday kooxda ololaha doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA SABABTA LOO XIRAY CALI-NUUR SALAAD

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON