Waxaa caawa xarunta Hay’adda Dembi baarista Booliska ee CID-da magaalada Muqdisho ku hoyanaya Weriye Cali Adan Mumin oo saaka halkaasi lagu xiray markii looga yeeray.
Weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta Goobjoog iyo xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa xarunta CID-da ku booqday weriyaha iyadoo loo ogolaaday inay arkaan, waxayna sheegeen in xaaladiisa ay ahayd mid wanaagsan, iyadoo aan loo geysan wax tacadi ah. balse uu aad uga xumaa sida xoriyadda looga qaaday.
Xoghayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la kulmay weriyaha ayaa sheegay inay CID-da ku booqdeen weriye Cali Aadan Muumin, isagoo u sheegay in ilaa iyo markii la xiray aanu wax dhibaato ah la kulmin, laakiin aad uga xumaa in xoriyadda laga qaaday iyo sida sharci darrada ah ee loo xiray.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xariga weriyaha iyo sababta loo heysto, waxaana jira laba kiis oo arrintiisa ku saabasan, kiiska koowaad ayaa ah mid dhex maray isaga iyo mas’uul ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada kaasoo lagu magacaabo Muuse Caraale oo jridil u geystay weriyaha 22-kii Disembar 2018, kadibna uu dacwad ka qortay, kiiskaas oon weli Boolisku qaadin iyo dacwad la sheegay inay ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya oo loo heysto qoraal uu soo dhigay bartiisa FaceBook.