Weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa caawa laga sii daayey xabsiga Xarunta Dembi baarista ee CID-da, kadib markii uu maalmo ku xirnaa.
Weriyaha oo la filayey in maanta la sii daayo ayaa saacado dib u dhacay, kadib markii go’aankii maxkamadda gobolka Banaadir ay amartay in xoriyaddiisa dib loogu celiyo marka uu dhammaado imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka.
Weriye Cali Aadan Muumin ayaa xabsiga loo taxaabay markii looga yeeray xarunta CID-da, waxaana dacwad ku soo oogtay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, inkastoo maxkamadda ay meesha ka saartay dacwadihii lagu soo oogay.
Maanta ayay ahayd markii Saxafiyiin, Madaxda Warbaahinta iyo Ururka Suxufiyiinta Qaranka ayaa cabasho ka muujiyeen sii xirnaanshaha weriyaha, iyagoo ku dooday in la hareer maray go’aanka Maxkamadda ee fartay in la sii daayo Wariyaha.


