Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xarig loo geystay weriye Cali Aadan Muumin ka howlgala warbaahinta Goobjoog, kadib markii saaka looga yeeray xarinta CID-da loona sheegay inuu xiran yahay.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha CID-da ay ku wargeliyeen ehellada weriyaha Cali Aadan Muumin in maxkamad lasoo taagi doono maalinta Berri ee Arbacadda ah, iyadoo ay dacwad ka gudbisay wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, laakiin ma jirto wax faahfaahin ah oo hay’adaha dowladda ay ka bixiyeen xarigiisa.
Sababta loo xiray ayaa warar ku dhowdhow saraakiisha Booliska sheegeen inay la xiriiro iyadoo loo heysto qoraal imtixaannada dowladda ku saabsan oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Warbaahinta uu ka howlgalo ee Goobjoog ayaa sheegtay inay ka walaacsan xaaladda weriyaha la xiray, iyadoo ka codsatay in CID-da ay la wadaagto sababta rasmiga ah ee loo heysto, waxayna dalbatay in la sii-daayo.