Friday, May 23, 2025

Weriye C/maalik Coldoon oo Maxkamad lagu soo taagay Hargeysa & dhaawacyo ka muuqday.

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in weriye C/maalik Muuse Coldoon maxkamad saaka lagu soo taagay magaalada Hargeysa, maalmo kadib markii ciidamada ay ka qabteen magaalada Burco oo uu dhuumaaleysi ku joogay.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah samafale iyo nin udooda xuquuqda dadka, la hor keenay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa, waxayna dad ka tirsan ehelkiisa sheegeen in guddoomiyaha maxkamadda Maroodi-jeex uu amray in dib loogu celiyo halkii laga soo xiray ee Gobolka Togdheer, halkaas oo ay tahay in dacwadiisa lagu qaado.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in Guddoomiyaha maxkamadda ggobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa uu weydiiyey ciidamada inay heystaan amar qabasho maxkamadeed, iyagoo sheegay inaysan wadan, waxaana jirka weriye Coldoon ka muuqday dhaawacyo, iyadoo ciidamada lagu amray inay goob caafimaad geeyaan.

Ad

Weriye Coldoon oo dhowr jeer ay xirtay maamulka Somaliland ayaa hore loogu eedeeyay inuu halis ku yahay waxa loogu yeeray qaranimada Somaliland. aflagaadana u geysto madaxda maamulka Hargeysa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON