Maxakmadda ciidamada Puntland ayaa maanta lasoo taagay Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo laba bilood ah u xirnaa mamulka Puntland.
Dhageysiga Dacwada loo haysto Wariye Kilwe Aadan Faarax oo maanta bilaabatay lagu soo eedeeyay qodobadda xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee kala ah: 321 (horkicid sharci siido); qodobka 328 (Faafin warar been ah oo Khalkhal galinaaya deganaanshaha dadweynaha); qodobka 271 (Denbi lidi ku ah maamulka iyadoo la isticmaalayo qoraallo wax dhaawacaya); iyo qodobka 219 (yasitaan maamulka dowladda).
Hore waxay Maxkamadda ciidamada Puntland ku eedeysay Weriye Kilwe Aadan 11-kii Janaayo denbi ah isku day dil iyo dil, laakiin waxaa maanta loo jeediyey eedo kale. Qareenka u doodaya Weriyaha Mustafe Maxamed Jaamac ayaa sheegay inay maxkamadda ka dalbeden caddeyn arrimaha lagu soo eedeeyay Weriyaha.
Ma cadda sababa Weriye Kilwe Aadan loo saarya maxkamad ciidan, iyadoo la xiray 27-kii Disember 2020, markii uu baahiyey dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garowe.
