Dilal kala duwan ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Dowladda.
Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ka geystay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyagoo toogasho ku dilay laba askari oo ka mida ciidamada milateriga ee dowladda, waxayna baxsadeen markii ay dilka khaarijinta ah geysteen.
Askarta la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, waxayna ahaayeen askar aad looga yaqaan degmada Kaaraan, iyadoo ay baxsadeen raggii dilkooda geystay.
Dhinaca kale waxaa shalay Suuqa Bakaaraha lagu dilay nin la sheegay inuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa ka danbeysay.
Alshabaab ayaa sheegtay dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana muddooyinkii dambe ay sii kordhisay fallava khaarijinta ah ee ka dhacaya caasimadda.
