Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab celin ka bixisay weerarkii shalay Alshabab k uqaadeen degaanka Xawaadley ee degmada Balcad, Gobolka Sh/Dhexe oo saraakiil iyo askar badan lagu dilay.
Howlgal duqeyn ah ayaa ka socda tuullooyinu dhow Xawaadley, waxaana Taliska Milateriga uu sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ay howlgal ka wadaannawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.
Howlgalkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta degaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana la shaaciyey in lagu dilay ku dhowaad 30 Alshabaab ah.
“Waxaa la xaqiijiyey in Howlgalkan ilaa hadda lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayadoo sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal”.” ayaa lagu yiri war ay faafisay warbaahinta dowladda.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu weli socdo, kaasoo jawaab u ah weerarkii halay waaberigii Alshabaab ku qaaday Xawaadley ee qasaaraha badan geystay.