Sunday, May 25, 2025

Weerar loo adeegsaday gaari xamuul oo lagu dilay 84 qof dalka Faransiiska [SAWIRRO]

Weerar nooc cusub ah oo loo adeegsaday gaari xamuul aha ayaa dad badan ku laayay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Qof waday gaari nooca xamuulka qaada ayaa dardarsiiyay dad isugu soo baxay meel munaasabad ka socotay magaalada Nice ee dalka Faransiiska gelinkii dambe eee Khamiista oo dad aad u fara badan ay ku tamashleynayeen, waxaana la sheegay inay halkaa ku dhinteen 84 ruux ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 kale.

Weerarkan ayaa lagu qaaday dadka  u dabaal degayay maalinta Bastille Day oo ah feesto guud oo dalka Faransiiska laga sameeyo July 14-keeda sanad kasta. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska, ayaa sheegtay in wadihii gaariga ay booliisku toogteen oo ay dileen.

Ad

Waxaa goobtaasi ka dhacay weerar aad u weyn oo lagu laayay dadkii ugu badnaa weerar mar qura dhaca gudaha Faransiiska, waxaana meel walba daadsanaa meydadka dadka sida ay sheegeen dadkii goobta tegay.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso. Waxa uu sheegay in Faransiisku ay ahaan doonto dowlad xoog ah oo ka guuleysata caddowgeeda.

Dadka dhintay waxaa ka mida caruur fara badan, Booliska Faransiiska ayaa sheegay in ninka falkan ku kacay uu ahaa 31 sano jir ay Booliska garanayeen.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRRO

NICE

NICE1

nICE2

- Advertisement -

NICE3

NICE5

NICE6

Wakaalado

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON