Weerar ayaa caawa lagu qaaday Guri ku yaalla magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyadoo qasaare dhimasho iyo dhaawac ah uu dhaliyey weerarkaasi.
Hal askari ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhawacmeen oo uu ku jiro taliye ku-xigenkii qaybta booliska gobalka Mudug/Puntland Cabdisiciid Xuseen Jaamac, kadib weerarka oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada booliska ayaa weerar ku qaaday guri ay ku sugnayeen wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse iyo nabaddoono kale, waxaana sida ay wararku sheegayaan ku dhaawacmay weerarka nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa odayaal iyo siyaasiyiin shir ku lahaa halkaasi.
Werarkaan ayaa imanaya kadib kulan maanta ka dhacay Gaalkacyo kaas oo laamaha amniga iyo maamulka gobalka ay ka yeesheen inaan Gaalkacyo lagu qaban karin kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo hoggaanka Puntland.
Ma cadda waxa uu ku saabsanaa kulanka ka dhacayey guriga la weeraray, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in Wasiirka uu halkaasi ka waday qorshe halis ku ah madaxweynaha Puntland oo olole doorasho ka wada Muqdisho.
