Monday, February 10, 2025

Weerar ka dhacay Qudus & Yuhuudda oo diiday in Salaadii Jimcaha lagu tukado Masjidka Al-aqsaa

Shan qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Masjidka barakeysan ee Al-aqsaa, kadib dabley Falastiiyiin ah oo weerar ku qaaday ciidamada Yuhuudda.

Afhayeen u hadlay booliiska Isra’iil Mickey Rosenfeld ayaa sheegay in saddex qof oo hubeysan  rasaas ku fureen boolis ku sugnaa magaalada qadiimiga ah ee magaalada Qudus Jerusalem, iyagoo dilay laba sarkaal ooBoolis ah, ayna dhaawaceen dhowr qof oo kale.

Dableyda ayaa u cararray masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, iyadoo Booliiska Yuhuudda ay ceyrsadeen, kadibna  dhammaantood ay dileen.

Ad

Arrintan ayaa dhalisay in Yuhuudda ay joojiso in Masjidka barakeysan ee Al-aqsaa salaadda Jimcaha lagu tukado maanta, taasoo noqotay muddo ku dhow 50 sanadood in Yuhuudu diido in salaada jimcaha lagu tukado masjidka. Ciidamada Yuhuudda ayaa xiray Sheekha muftiga ah ee Qudus Sheekh Maxamed Xuseen.

Muuqaal laga duubay falkan ayaa muujinaya booliska Yuhuuda oo barxadda masjidka ku dilay dhalinyarada falka geysatay oo kasoo jeeda Carabta ku dhex nool Israa’iiliyiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON