Wararka laga helayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaa in caawa weerar lagu qaaday Guri uu magaalada ka degan yahay sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Galmudug.
Weerarka oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa lagu beegsaday Guriga Gaashaanle Sare C/llaahi Cabdi Raage oo la sheegay inuu qaraxa ka badbaaday, wuxuuna sarkaalkan hore uga tirsanaa kooxdii Ahlu suna, isagoo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada Sheekh Axmed Shaakir, iyadoo markii dambe loo bedelay ciidamda NISA.
Weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ka dhaca magaalada Guriceel muddo ka badan 10 sano, iyadoo aanay cidna sheegan ilaa iminka, waxaana magaalada ka taagnaa muran ku sabsan furidda masaajid xiran oo ay diideen kooxda Ahlu suna oo awood ku leh Guriceel.
Ma jiro cid wax ku noqotay weerarka Bam ee ka dhacay degmada Guriceel, marka laga reebo burbur uu u geystay derbiga Guriga sarkaalka la weerarray, mana jiraan wax qasaare ah oo kasoo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.