Wararka laga helayo degmad Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi.
Dilka Nabadoon Shariif Xassan Allow ka mid ahaa waxgaradka degmada Afgooye waxaa geystay dhalinyarro ku hubeysan Bistoolado, iyagoo baxsadatay markii ay dilka Khaarijinta ah a fuliyeen.
Ciidamada Amniga degmada oo raacsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa goor danbe goobta uu dilka ka dhacay, waxaana falka lagu dilay Nabaddoonka ka naxay dadka degaanka.
Falalka dilalka qorsheysan ee ka dhaca degmada Afgooye ayaa inta badan waxaa sheegata Al-Shabaab oo hore u dishay saraakiil iyo nabaddoono badan.