Ciidamada Dawladda ayaa shaaciyey in weerar jidgal ah lagu gaaday Gaadiid kolonyo ah oo ay wateen maleeshiyada Alshabaab, iyadoo ay guul ka sheegteen ciidamada dowladda.
Sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda tan iyo ciidamada weerarka ayaa saaka ka dhacay degaanka Xalfooleey oo u dhow xadka kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, halkaasina qasaare loogu geystay Alshabaab.
Ciidamada ayaa sheegay inay gubeen Gaari Cabdi Bille ah oo ay wateen Alshabaab, ayna dileen ilaa tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab.
Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha weerarka dhaba-galka ah oo ah kii ugu horeeyay ee Alshabab lagu qaado, iyadoo Alshabaab aysan weli ka hadlin weerarkan.
