Sunday, January 26, 2025

Weerar Gantaallo ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin ciidamada Cirka ee Suuriya [Yaase ka danbeeyay..?]

Garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin ciidammada cirka ee Suuriya ayaa gantaallo lagu weeraray, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Suuriya.

Habka difaaca hawada ee dalkaas ayaana la hawlgaliyay, ayay warbaahintu intaas ku sii dartay. Telefishinka Suuriya ayaaa sheegay in qaraxyo laga maqlay meel u dhaw saldhigga ciidammada cirka ee T4 ee magaalada Xims, arrintaasina ay dhacday saacadihii hore ee Isniinta.

Dhowr qof ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay sida ay sheegtay warbaahinta dowlada Suuriya, iyadoo Mareykanka uu beeniyay inuu wax duqeyn ah ka geystay Suuriya, waxaa loo maleynayaa in duqeyntaasi ay ka danbeysay Israa’iil.

Ad

Warkan ayaa imaanaya iyadoo iyadoo adduunku uu u dhag taagayo weerar kiimo loo adeegsaday oo la sheegay in laga gaystay magaalada Douma ee dalka Suuriya oo ay gacanta ku hayaan jabhaduhu. Magalaas ayaa ku taalla Bariga gobolka Ghuuta.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad ku tilmaamay “xayawaan” wuxuuna isaga iyo xulafadiisa Iiraan iyo Ruushka uga digay in ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON